Muuse Suudi oo diiday in uu ka guuro xerada Mariino iyo Xiisad halkaasi ka taagan

Senetor Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka biyo diiday in uu ka guuro xerada Mariino ee ciidanka Badda Soomaaliya oo kutaala degmada Cabdicasiis, kadib amar kasoo baxay Duqa Muqdisho oo ku aadanaa in xeradaasi si deg deg ah looga baxo.

Ciidamo u badan kuwa ku heyb ah Muuse Suudi ayaa soo buux dhaafiyay xerada Mariino, waxaana jirta cabsi laga qabo in ay isku dhacaan ciidamada taageersan Muuse Suudi iyo ciidamada dowlada.

Waxaa guul dareestay dadaalo lagu doonayay in lagu qaboojiyo xiisada taaagan laguna qanciyo Senetor Muuse Suudi Yalaxow in uu si nabad galya ah uga guuro Xerada ciidamada Badda ee Mariino uu sanado badan degnaa.

Odayaal iyo xubno kale oo wakiil ka ahaa Muuse Suudi ayaa habeen hore la kulmay Madaxweyne Farmaajo, waxaana wararka aan helnay shegayaan in kulankaasi uusan natiijo kasoo bixin laguna kala tagay.

Waxaa sidoo kale guul daro kusoo dhamaaday kulamo la isugu keenay Muusu Suudi iyo Duqa magaalada Muqdisho, Muuse Suudi ayaana ku adkeesanaya in uusan xerada dhulka uu ka degan yahay uusan ka guureyn ayna siisay dowladii hore.

Ciidano u badan kuwa ku heyb ah Muuse Suudi ayaa maalmihii lasoo dhaafay lagu arkayay xerada Mariino iyo xaafadaha ku dhaw dhaw, waxaana dadka dariska la ah Muuse Suudi ka cabsi qabaan in iska hor imaad dhaco.

Duqa Muqdisho ayaa dhawaan amray in laga guuro xerada ciidamada Badda ee Mariino  , waxaana xusid mudan in xeradaasi degan yihiib dhisamayaalna ka sameesteen siyaasiyiin, Xildhibaano, Senetaro, saraakiil iyo ganacsato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -