Diblumaasi Mareykan ah oo diiday in uu ka baxo Kabul kana hadlay Sababta

Dowlada Mareykanka ayaa wada daad gureynta muwaadiniinteeda ku sugan magaalada Kabul ee caasimada dalka AFgaanistan, iyo waliba dadka lasoo shaqeeyay Mareykanka ee beegsan karaan kooxda Taalibaan.

Warbaahinta caalamka qaarkood ayaa horey u baahiyay in diblumaasiyiinta Mareykanka ee joogay Kabul la daadgureeyay, ayna hada sucdaan daadgureynta shaqaalo iyo muwaadiniin kale oo Mareykanka ah.

Diblumaasi sare oo Mareykan ah ayaa beeniyay wararka sheegaya in Kabul laga qaaday isaga iyo shaqaalaha safaarada Mareykanka, waxa uuna cadeeyay in wali uu joogo magaalada ayna been tahay wararka laga baahiyay.

Danjire Ross Wilson ayaa Qoraal uu soo saaray bartiisa twitter -ka ku caddeeyay  in isaga iyo shaqaalaha safaaraddu ay weli ku sugan yihiin Kabul , waxa uuna sheegay in ay ka shaqeenayaan caawinta iyo daad gureynta muwaadiniinta Mareykanka.

Diblumaasigan Mareykanka ayaa ku adkeestay  in uusan magaalada Kabul ka bixi doonin ilaa uu gaaro hadafkiisa ah bad-qabka dadkaasi, waxa uuna sheegay in muhiim tahay in marka hore la bad baadiyo muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa la shaqeeyay/

Ciidamo ka socda dowlada Mareykanka ayaa ku sugan garoonka Diyaaradaha Xamid Karzai ee magaalada Kabul, waxaana halkaasi ka socda daadgureynta muwaadiniinta Mareykanka iyo sidoo kale dadka la shaqeeyay Mareykanka si nolohooda loo bad baadiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -