Duqa Muqdisho oo amray in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiigle Maxamed Cabdi Aadan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa si kulul u cambaareeyay dil askari katirsan ciidanka Minishiibiyada maanta ugu geestay Muqdisho wiil Mooo Bajaaj ku shaqeesanayay.

Yariisow ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska ninka dhalinyarada ah ee ku baxay gacanta ciidanka Minishiibiyada ee hoostaga maamulka gobolka Banaadir, waxa uuna balan qaaday in cadaalada la horkeeni doono dadkii dilka

Duqa Muqdisho ayaa amray laamaha Amniga Muqdisho in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaalada loo horkeeno Dambiile Maxamed Deeq Cabdi Aadan oo ka mid ah ciidamada ilaalada Deegaanka Xamar oo asiga geystay falkan dilka ah.

“Ma la aqbali karo in dhalinyarada Bajaajka wada oo halbowle u ah horumarka Caasimada loo geysto dil, waxaan amray Hay’adaha Amniga inay soo qabtaan askariga Munishiibiyo ee falkaas waxashnimada geystay”. ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Hadalka Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xili maanta askari katirsan ciidanka Minishiibiyada si bareer ah Muqdisho ugu dilay Wiil Bajaajle ah, waxaana dilkaasi ka dhashay banaan baxyo rabshada wata.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -