Wararkii Ugu Dambeeyay Banaan bax Rabshado watay oo ka dhacay Muqdisho

Banaan bax rabshado wata ay dhigayaan dhalinyarada ku shaqeesata Mooto bajaajta iyo dadweyne kale oo careesan ayaa  daqiiqado yar kahor ka dhacay qeybo kamid ah  magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku heleyno banaan baxa ayaa la sheegay in uu ka dhashay kadib markii askari katirsan ciidanka dowlada degmada Waabari dil bareer ah ugu geestay nin bajaajle ah, waxaana falkaasi  ka carooday bajaajlayaal kale oo laamiga ku jaray mootooyin .

Banaan baxayaasha ayaa isugu soo baxay laamiga Dabka iyo sidoo kale laamiga isku xira Buundooyinka, waxa ayna dibad baxayaasha dalbanayeen in gacanta lagu soo dhigo ninkii dilka geestay oo baxsaday.

Rasaas ay ciidamada ku kala eryayaan dadka dhigaya banaan baxa ayaa la maqlayay, waxaana goobta laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah iyadoona ganacsiyada qaar ee Isgooska kuyaala la xiray.

Saraakiil katirsan booliiska ayaa markii dambe kusoo baxay banaan baxa rabshadaha watay ,waxa ayna dadka banaan baxa dhigayay ka dalbadeen in xaalada dejiyaan , waxa ayna balan qaadeen in ay soo qaban doonaan gacan ku dhiiglaha.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa caado ka dhigtay dilalka ay u geestaan dhalinyarada mooto bajaajta ku shaqeesata, waxaana ciidamada inta badan bajaajleyuda u dilaan muran iyo lacago baad ah.

 

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -