Banaan bax looga soo horjeedo dil maanta ka dhacay Muqdisho oo sii xoogeestay (Daawo Sawirada)

Waxaa qeybo hor leh oo kamid ah magaalada Muqdisho kusii fiday banaan bax looga soo horjeedo dil maanta askari katirsan ciidanka Minishiibiyada magaalada Muqdisho ugu geestay wiil Mooto bajaaj ku shaqeesanayay.

Dadka banaan baxa dhigayay oo u badnaa dhalinyarada bajaajta ku xamaalata ayaa xiray wadooyin dhoor ah oo kuyaala magaalada Muqdisho, waxa ayna wadooyinka qaar ku gubayeen taayaro.

Banaan baxa oo markii hore ka bilowday Isgooska Dabka iyo Wada Buundooyinka ayaa kusii fiday meelo hor leh oo katirsan Muqdisho, waxaana goordhaw banaan baxa uu ka dhacay Isgooska KM-4.

Saraakiil katirsan ciidanada booliisaka oo gaaray goobaha ay banaan baxyada ka socdeen ayaa ka dalbaday dadka banaan baxa dhigayay in xaalada dejiyaan, waxa ayna balan qaadeen in lasoo qaban doono askarigii dilka geestay oo baxsaday.

Banaan baxayaasha ayaa markii dambe wadooyinka furay kana tagay goobihii ay banaan baxa ka dhigayeen, waxa ayna banaan baxayaasha ka careesnaayeen dilalka ay askarta dowlada u geesanayaan dadka shacabka ah.

Dilalka askarta dowlada u geesanayaan dhalinyarada ku shaqeesata Mooto bajajata aya kusoo badanayay magaalada Muqdisho, waxaana inta badan la sheegayaa in ay baxasdaan askarta dilalka geesata.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -