Al Shabaab oo War kasoo saartay Fanaanka la sheegay in kooxdooda katirsanaa

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay Warbaahinta iyo baraha bulshada aad u hadal heysay Muuqaal ay soo bandhigtay Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya oo Nin Fanaan ahaa ku qiranayo in uu katirsanaa Al Shabaab.

Fanaankan oo lagu magacaabo Axmed Gaarane kana tirsaaa kooxda Fanka ee gobolka Banaadir ayaa muuqaalka ku qirtay in uu xubin ka ahaa Al Shabaab una qaabilsanaa dhinaca xuuraanka iyo maaliyadda.

Sargaal katirsan Al Shabaab oo la hadlay Warbaahinta kooxdaasi taageerta ayaa beeniyay warka kasoo baxay Nabad sugida Soomaaliya oo ku adanaa in Fanaan Axmed Gaarane xubin ka ahaa kooxda Al Shabaab.

Waxa uu sheegay sargaalkan katirsan Al Shabaab ninka ay soo bandhigtay Hay’ada Nabad sugida uusan kooxdooda katirsaneyn wax xiriir ah haba yaraatee uusan la laheyn ayna tahay war qorshe kale laga leeyahay.

”Ninka muuqaalkiisa lagu faafiyay warbaahinta ee lagu magacaabay Abshir Gaarane Axmad ma aha nin wax xiriir ah lalahaa Mujaahidiinta ama la shaqayn jiray,tallaabada ay qaadeen ee ay ninkaas eedaha noocaas ah ugu soo jeediyeen waa arrimo lagu yaqaanno oo iyaga dhexdooda ay dhibaato isku geystaan, qaarkoodna eedo aanan jirin ay dusha iskaga tuuraan iyagoo xilal ama dhaqaale kala riixanaya”ayuu yiri sargaalkan katirsan Al Shabaab.

Warkan kasoo baxay Al Shabaab ayaa kusoo aadaya xili Fanaan caan ka ahaa magaalada muqdisho oo maalmahan u xirnaa Sirdoonka Soomaaliya uu qirtay in Al Shabaab katirsan yahay taa oo dad badan fajiciso ku noqotay aadna loo hadal hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -