Xildhibaan si weyn u taageersanaa Xukuumada Kheyre oo Mucaarad isku bedelay Hanjabaadna hawada u…

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada ugu saameynta badan Golaha shacabka si weyna u taageersanaa Xukuumada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa markan isku bedelay Mucaarad.

Daahir Jeesow oo maanta ka carooday in uu kalfadhiga Baarlamaanka furmi waayo ayaa eedeyn u jeediyay Xildhibaanada ku jira Xukuumada Kheyre uu sheegay in si kutala gal ah kulanka uga baaqdeen.

Waxa uu sheegay in wax aan la aqbali karin ay tahay in Xildhibaanada Wasiirada ah ay kulanka ka maqnaadaan, waxa uuna ku hanjabay in mooshin ka keeni doonaan ayna ridi doonaan hadii aysan imaan kulanka Isniinta.

”“ Waxaan balan ku qaadeynaa haddii fadhigan fadhiga ku xigo imaan waayaan Golaha Wasiirada, Wallaahi baan ku dhaartay anaa horkacayo, Mooshin ayaa ka keenyenaa, kuligood waa rideynaa, Ra’iisul wasaaraha ha ogaado”ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaan Daahir Jeesow oo kamid ahaa Saaxiibada Xukuumada Kheyre ayaa ka carooday booqashadii uu dhawaan ku tagay Kismaayo Ra’isul Wasaare Kheryre, waxa uuna Xildhibaankan hada u muuqdaa mid dhabarka xijiyay Xukuumadii uu difaaca adag u ahaa.

Inta badan Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa ah Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, waxaana Wasiiradan inta badan aysan tagin kulamada Baarlamaanka oo mararka qaar u baaqda kooram la’aan sida maantaba dhacday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -