Xildhibaano Mooshin Deg deg ah u gudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka (Akhriso Magacyada)

Xildhibaano katirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa saakay u gudbiyay Gudoomiyaha golaha shacabka Mooshin ama soo jeedin deg deg ah ay kaga dalbanayeen in ajandaha kulanka Golaha ee maanta lagu daro ka doodista xaalada amaan ee dalka.

Waxa ay Xildhibaanada Mooshinka u gudbiyay Gudoomiyaha golaha shacabka ka dalbadeen in ajandaha kulanka lagu daro ka doodista amaanka magaalada Muqdisho ee sii xumaaday laguna dilay dad badan oo shacab.

Mooshinkan ay saxiixeen qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ayaan hirgalin, waxaana Kulanka Baarlamaanka u baaqday kooram la’aan kadib markii aysan kulanka imaan Xildhibaano badan.

Xildhibaanada golaha shacabka qaarkood ayaa ka careesnaa in ajandaha kulanka maanta la filayay in uu dhaco laga dhigay dhageysiga Warbixinta Guddiga dib u eegista Dastuurka, waxa ayna Xildhibaanada dalbanayeen in xaalada amaan kulanka looga hadlo.

Halkan ka Akhriso Magacyada Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -