Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo ka cirib tireysa deegaannada Al Shabaab laga xoreeyay Cudurka …

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa khudbad ka jeediyey shir duceedka looga hadlayey dabar-goynta cudurka cagaarshowga iyo gaarista hiigsiga dhammaadka cudurkan oo la madliyey gebagebadiisa 2030-ka kaas oo lagu qabtay magaalada New york ee uu ka socdo shirka Golaha loo dhany ahay ee Qaramada Midoobey.

Dr. Cali Xaaji Aadan wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa yiri “Ciribtirka cagaarshowga Soomaaliya gaar ahaan meelaha dhowaan la xoreeyay ee ay kooxaha argagixisadu muddo tobanaan sano ah gacanta ku hayeen waxey ka mid tahay kaabayaasha daryeelka caafimaadka ee xadidan, waxaanse ku dadaaleynaa inaan tabarteena isugu geyna sidii aan u ciribtiri lahayn inagoo kaashaneyna hay’adaha caalamiga ah ee na taageera.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegey in tobankii sano ee la soo dhaafay, daryeelka caafimaadka uu sameeyay horumar la taaban karo, oo ay ugu horreyso maalgashi la taaban karo oo ka yimid waaxyaha gaarka loo leeyahay iyo tabarucaadka deeq bixiyayaasha caalamiga ah.

“Bishii Nofeembar 2022, Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hirgelisay xafiis u gaar Ciribtirka Cagaarshowga iyo la tacaalidda dadka qaba xanuunka cagaarshowga si loo xakameeyo faafitaanka cudurkan iyo sidii ugu dambeyntiina meesha looga saari lahaa cudurkan, taasoo qayb ka ah dadaallada imika socda, waxaan ku faraxsanahay inaan ku biirnay Kooxda Saaxiibada ee Qaramada Midoobay ee  Ciribtirka Cagaarshowga si loo baabi’iyo fayriska Cagaarshowga” ayuu Dr. Cali Xaaji Aadan wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Murusade  oo Shirweyne aan Caadi aheyn ku yeelatay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qoorqoor oo dalab hordhigay Saraakiisha taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM

Caydiid Ali

Beesha caalamka oo War ka soo saartay heshiiskii Mucaaradka iyo Xukuumada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---