Afar ka mid ah Wasiirada Hirshabelle oo shaqo joojin lagu sameeyey (Akhriso)

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo shaqo joojin ku sameeyay 4 Wasiir oo qeyb ka ah Gollaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle.

Xubnaha shaqo joojinta lagu sameeyay ayaa kala ah:-

  1. Mudane Maxamed Faarax Cali, Wasiirka Wasaarrada Beeraha iyo Waraabka.
  2. Mudane Sakariye Khaalid Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha.
  3. Marwo Raxma Maxamed Guulle, Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha.
  4. Mudane Aadan Maxamed Muuse, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Masuuliyiinta shaqo joojinta lagu sameeyay ayuu Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka u cuksaday xil-guddasho la’aan shaqo oo la xiriirta masuuliyadda loo idmaday.

Shaqadda Wasaarradahaan waxaa sii wadi doono Wasiiru-Dowlayaasha Wasaarradaha Beeraha, Ganacsiga, Haweenka iyo Warfaafinta.

Ugu dambeyn Madaxtooyadda Hirshabeelle waxa ay beenineysaa warar been abuur ah oo la xiriiray xil ka qaadis Wasiirro oo lagu faafiyay Warbaahinta Bulshada waxaana rasmi ah wararka halkan lagu faafiyo.

DHAMMAAD

- Advertisement -