Isbedel lagu sameeyay Qaab Dhismeedka Hogaanka Ciidanka Milatariga (Akhriso)

Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya ayaa isbadal cusub ku sameesay qaab dhismeedka Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana xilal loo magacaabay Saraakiil cusub halka Abaanduulihii Ciidanka loo badelay boos kale.

Isbedelkan cusub ee lagu sameeyey qaab dhismeedka Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa loogu talo galay dar dar-gelinta howlaha Ciidanka Xoogga, waxa ayna isbadalkan cusub qeyb ka yahay dib u dhiska lagu sameenayo Milatariga Soomaaliya. .

Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed oo ahaa u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga, ayaa loo magacaabay in uu noqdo taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Raage, ayaa isna loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta, halka  General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta.

Isbedalkan lagu sameeyey qeybo kamid ah Hogaanka Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale Admiral Guuto Cabaas Amiin Cali  loogu magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya.

Waxaa isbadalkan cusub kusoo aadayaa xili Dowlada bilowday diiwaan gelinta ciidanka Xooga Soomaaliya sidoo kale maalmahan jireen cabasho kasoo yeereysay qaar kamid ah Ciidanka Milatariga oo Mushaar la’aan fariisimaha dagaalka uga soo baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -