Gaadiid dagaal iyo Dhagxaan saakay lagu jaray Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho

Waxaa saakay xiran wadooyinka halboolaha u ah isku socodka magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinkan lasoo dhigay ciidamo aad u badan oo ku hubeesan gaadiidka dagaalka ee Tiknikada.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa saakay kusoo toosay wadooyinka magaalada oo lagu xiray gaadiidka dagaalka iyo sidoo kale dhagxaan, waxaana shacabka dantu ku qasabtay in ay iska lugeeyaan.

Wadooyinka saakay la xiray waxaa kamid ah Laamiga dheer ee Maka Al Mukarama iyo sidoo kale wadooyinka kasoo baxa Laamiga Wadnaha , waxaana halkaasi la dhigay ciidamo gaadiidka u diidaya in ay wadooyinka isticmaalaan.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa dhibaato xoogan ku qaba xirnaashaha wadooyinka oo joogto noqday, waxaa sidoo kale magaalada ka dhacaya qaraxyo iyo dilal xili ay wadooyinka xiran yihiin shacabka la rafaadinayo.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay noqday mid faraha kasii baxay, waxaana magaalada ka dhacay qaraxyadii ugu badnaa iyo sidoo kale dilal qorsheesan.

 

- Advertisement -