Tirada dadka u dhashay dalka Kenya oo la shaaciyay iyo Soomaalida oo gaareysa…

Dalka Kenya ayaa laga sameeyay tirakoob good oo lagu ogaanayay tirada dadka u dhashay dalkaasi, waxaana natiijada tirakoobkaasi muujisay in haweenka Kenyanka ah ay ka badan yihiin raga .

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay tirada dadka dalka Kenya ay tahay 47, 564,296 Milyan oo qof, waxaan tiradaasi 24, 1014,716 kamid ah ay yihiin Dumar halka  23, 548, 056, 24 ay yihiin rag.

Waxaa sidoo kale tirakoobka dadka Soomaaliyeed ee dhalashada dalkaasi heesta lagu sheegay in ay gaarayaan 2.5Milyan oo qof, waxaana tiradaan la shaaciyay aanan ku qanacsaneyn dadka Soomaaliyeed.

Magaalooyinka Soomaalida degan tahay ee tirakoobka lagu sameeyay dadkooda ayaa waxaa kamid ah  magaalada Mandera oo kunool yihiin 867, 457 qof, Garissa waxaa kunool 841,353 qof halka Wajeer ay kunool yihiin dad gaaraya 781,263 qof.

Tirada dadka Kenyan ah ayaa la sheegay in ay korortay marka loo eego tirakoobkii ugu dambeeyay ee dalkaasi laga sameeyay, waxaana tirada dadka Kenyan ah hada kusoo korortay 9-milyan oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -