Haweeney Ganacsato aheyd oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Askari ilaalo u ahaa sargaal katirsan Maamulka Hirshabelle ayaa galinkii dambe ee maanta waxa uu Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ku dilay haweeney ka ganacsan jirtay Jaadka.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askariga dilka geestay iyo Haweeneyda uu dilay uu soo kala dhax galay muran, waxaana askariga la sheegay in muranka kadibka uu xabado ku dhuftay Haweeneyda ganacsatada aheyd.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidamo katirsan dowlada ayaa gacanta kusoo dhigay askariga dilka geestay xili uu isku dayay in uu baxsado, waxaana gacan ku dhiiglaha lagu hayaa saldhig booliiska leeyihiin.

Ciidamada dowlada ee loogu tala galay in ay ilaaliyaan amaanka dadka shacabka ayaa mararka qaar dilal bareer ah waxa ay u geestaan dadka shacabka, waxaana gacanta laamaha amaanka ka baxsaday askar dilal bareer ah u geesatay dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -