Darawal gaari Ambalaas ah ku qaaday Bulkeeti oo la ganaaxay !! (Daawo Sawirada)

Nin u dhashay dalka Uganda oo Darawal ka ah gaari nuuca gar gaarka ee Ambalaasta loo yaqaan ayaa la ganaaay, kadib markii lagu helay dambi ah in uu si sharci daro ah ugu xad gudbay Hanti dowladeed.

Goddy Otto ayaa shaqada laga fariisiyay, waxaana ninkan gaariga Ambalaasta uu darawalka ka ahaa si sharci daro ah ugu qaaday bulkeeti, waxaana sawiro si lama filaan ah looga qaaday gaariga keentay in ninkaasi la ganaaxo.

Wargeyska  New Vision ayaa qoray Darawalkan shaqada laga joojiyay la siin doono kala bar mushaarkiisa, waxaa sidoo lagu amray Otto in uusan dalka dibadiisa u safrin inta uu ganaaxa ku maqan yahay.

Sheekada gaarigan Ambalaasta ee lagu raray bulkeetiga ayaa qabsatay baraha bulshada iyo Warbaahinta dalka Uganda, waxaana inta badan dadku cambaareeyeen falka uu ku dhaqaaqay Darawalka Amblaasta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -