Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidanka Ukraine oo guulo ka gaaray dagaalka ay kula jiraan Ruushka (Sawirro)

Ciidamada Ruushka ayaa ka tagay saldhigii ugu weynaa ee ay ku lahayd waqooyi bari Ukraine si lama filaan ah ka dib markii ciidamada Ukraine ay u dhaqaaqeen inay hareereeyaan aaggaas.

Wakaalladda Wararka ee TASS oo soo xiganeysa Wasaaradda Difaaca ee Raashiya ayaa sheegtay inay ku amartay Ciiddankooda inay isaga baxaan agagaarka magaalladda Izium ee Gobalka Kharkiv, iyadoo sheegtay in loo diri doono si ay u xoojiyaan Hawlgalladda ka socda Degmadda Donetsk ee deriska la ah.

Ku dhawaaqista ayaa timid saacado ka dib markii ciidamada Ukraine ay qabsadeen magaalada Kupiansk ee waqooyiga, oo ah xuddunta kaliya ee tareenada ee keena dhammaan jiida hore ee Ruushka ee waqooyi bari ee Ukraine. Taasi waxay keentay in kumannaan ka mid ah ciidamada Ruushka ay si lama filaan ah uga go’aan saadka guud ahaan jiidda hore.

Ciidamada Ukraine ayaa dib u qabsaday tobanaan magaalo iyo tuulooyin uu Ruushku haystay muddo bilo ah, tan iyo markii ay ka dillaaceen furimaha hore ee toddobaadkan. Subaxnimadii hore ee sabtida, saraakiisha Ukraine ayaa barqadii soo dhigay sawiro muujinaya ciidamadooda oo kor u taagaya calanka buluuga iyo jaalaha ah ee dalkaasi, iyagoo taagan afaafka hore ee xarunta dawladda hoose ee Kupiansk.

Related posts

Madaxweyne Qoor-qoor oo goor dhow soo gaaray Muqdisho iyo Laftagareen oo..

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo Maalinta beri ah ku sii jeeda..

Caydiid Ali

Kenya oo booliiska UK u gacan gelisay Soomaali loo heesto dil iyo dambiyo kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---