Allbanaadir.com
NEWS

Kheyre oo Muqdisho kusoo laabtay xili kala shaki uu soo kala dhax galay Musharaxiinta

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ay ku mudeesan yihiin xubno miisaan culus iyo xubno kale ayaa mudooyinkii dambe waxaa soo kala dhax galay kala shaki iyo kala argti duwanaasho ku aadan sida doorashada ku socoto.

Musharaxiinta qaar oo Muqdisho kulamo ku yeeshay ayaa isku raacay in la qaadaco doorashada golaha shacabka ee bilaabatay sidoo kale la iclaamiyo shirweyne wadatashi ah oo lagu dhisayo golle badbaado Qaran ah.

Sida aan xogta ku helnay go’aanka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa ah mid aysan iskuwada raacsaneyn hadana musharaxiinta qaar doorbideen in ay ka aamusaan si aan loo arag kala jabka golahan ku yimid.

Musharaxiinta saameynta leh ee gollaha midowga katirsan ee kala ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre ayaa wararku sheegayaan in aragti ahaan qabaan in doorashada socoto si walbo ay ahaato.

Xasan Cali Kheyre ayaana qeyb ka aheyn shirarkii ka socday magaalada Muqdisho maadaama dalka uu ka maqnaa , hadana dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in Kheyre kalsooni badan qabo uuna diyaar u yahay in doorashada galo.

Midowga Musharaxiinta ayaana hada u muuqda kuwa aragti ahaan sii kala tagaya, waxaana musharaxiinta qaar la tuhmaya ain xiriir hoose kala dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo halka kuwa kalana .

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ee Xasan Cali Kheyre oo maanta Muqdisho kusoo laabtay ayaana la filayaa in uu qeyb ka noqdo shirarka Musharaxiinta inkastoo la rumeesan yahay in aragti ahaan uusan ku qanacsaneyn wadada ay ku socdaan Musharaxiinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Musharax Madaxweyne oo ka cabsi qaba in Sidii Jawaari loo diido Shahaadada Musharaxnimo

Cabdi Cade

Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Khartuum iyo kala carar magaalada ka bilowday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---