Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo hubeysan oo caawa dil qorsheysan ka geystay xaafad ka tirsan Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa caawa ku dilay degmada Dharkeynley ee Magaalada Muqdisho Nin ka mid ahaa dadka Degaanka.

Goob-joogayaal ayaa waxay sheegeen in dableyda dilka geystay oo ku hubeysnaa Bastoolado ay ka baxsadeen goobta.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Shiikh Cusmaan Xasan, lama garanayo waxa loo dilay iyo cida ka dambeysa

Dilka ayaa ka dhacay Xaafada Suuq Boocle, waxaana halkaas gaaray ciidamada amaanka inkastoo aan la sheegin dad dilkaas ay u qabqabteen.

Falalka Amni darada ah ayaa aad usoo kordhayey Muqdisho Maalmahan dambe, iyadoo Dowladuna sheegeyso inay wado qorsheyaal amniga lagu xaqiijinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad ridday go’aan xasaasi ah oo ka dhan ah Donald Trump iyo caruurtiisa

Cabdi Cade

Ciidamo fara badan oo xiray wadooyinka soo gala Taalada daljirka Dahsoon

Caydiid Ali

Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo lacago badan ka aruursaday Musharaxiin kaddibna si xun…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---