(Sawirro) Wafdi uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia oo gaaray Xudur

Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Sheekh C/raxmaan iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Gobolka Bakool.

Mursal ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka xannaanada Xoolaha, Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Wasiiru Dowlaha Xafiiska RW iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

Waxaa guddoomiyaha Garoonka Diyaaradaha Xudur ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagreen) Wasiirro, Xildhibaanno horay ugu sugnaa Magaalada Xuddur, maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane; Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagreen ) ayaa ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu mahad celiyay booqashada ay ku tageen Xuddur iyo sida waddaniyadda leh ee uu wax ula qeybsanayo Shacabka ku dhaqan Koofur Galbeed.

Gudoomiyaha golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ujeeddada safarkooda ay ku tageen Xuddur ku sheegay, in ay Bulshada halkaasi ku dhaqan u kuur galaan xaaladaha ay ku sugan yihiin, baahiyaha jirana ay ka jawaabaan.

Guddoomiye Mursal ayaa ammaan ballaaran usoo jeediyay, Madaxweyne Lafta gareen iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo horay ugu sugnaa Xuddur, wuxuuna ku tilmaamay mas’uuliyiin u heellan Shacabkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -