Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo Go’aan adag ka qaadatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay  in Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Haysom aan laga rabin dalka  kana shaqeyn karin.

Wasaarada Arimaha Dibada qoraalka kasoo baxay ayaa lagu xusay in Amb. Nicholas Haysom uu jabiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobey, si bareer ahna u farageliyay Madax bananida Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa jawaab u ah qoraal uu shalay soo saaray Wakiilka Qaramada Midoobay uu uga dalbanayay Wasaarada Amniga in ay cadeyso xarigii Abuu Mansuur iyo rabshadihii ka dhashay Doorashadii Koonfur Galbeed.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Deni oo xariga ka jaray dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Garoowe

Caydiid Ali

Milateriga Israel oo bukaano & shaqaale Caafimaad ku laayey Isbitaalka Al-Shifa

Caydiid Ali

Zelensky oo shaaciyey arrin muddo laga sugaayey oo ka dhan ah Ruushka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---