Saciid Deni oo safarkiisii ugu horeeyey ku maraya degaano ka tirsan Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa maanta si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Qardho isagoo kasoo kicitimay Garoowe Caasimada Puntland kuna soo hakaday degmada Dangorayo.

Madaxweynaha ayaa looga hortagay banaanka magaalada iyadoo soo dhawayntiisa ay hareeraha wadooyinka u taagnaayeen maamulka, Siyaasiyiin, Cuqaal, waxgarad, arday, haween iyo dhalinyaro.

Madaxweynaha ayaa soo gaaray barxada wayn ee magaalada Qardho, iyadoo masuuliyinta dawlada iyo waxgaradku ay halkaas hadalo ka jeediyeen.

Ugu horay duqa degmada Qardho iyo Gudoomiyaha Gobolka Karkaar oo goobta ka hadlay waxay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin soo dhawaynta Madaxweynaha, Reer Qardhona ay dawlada taageersanyihiin, taas cadaynteesana ay muujinayso sida aan kala harka lahayn ee loo soo dhaweeyay.

Madaxweyne Saciid Cabdilaahi Deni ayaa goobta ka hadlay waxa ka hadlay Arimaha Amaanka, dooraashoyinka iyo wada shaqayn dhex marta dawlada iyo shacabka.

” Waqtigii ololaha waa dhamaaday, hadalada hoos ka tuurtuurka ah yaysan waqti inaga lumin, dawlada waa in lala shaqeeyay rabtaa,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni, sidoo kale waxaa soo hadal qaaday arimaha doorashooyinka “Qardho waa meelaha u horeeya ee laga qaban doono doorashooyin hal qof iyo hal cod“ ayuu yiri Deni.

Madaxweyne Saciid Cabdilaahi Deni waxa uu dhagax dhigay dhismayaal cusub oo lagu darayo xerada ciidamada birmadka ee Xorgoble Qardho, sidoo kale qayb cusub oo qaliinka ah oo lagu kordhiyay cusbitaalka Qardho ayuu madaxweynuhu iyadana xariga ka jaray, waxaana wafdiga madaxweyne deni ay ku wajahan yihiin degaano ka tirsan gobolka Bari oo ay ku jiro magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -