Talyaaniga oo dhalasho siiyay Wiil Afrikan ah oo Halyey loo aqoonsaday (Daawo Sawiro)

Dowlada Talyaaniga ayaa dhalashada dalkeeda siisay wiil 13-sano jir ah oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Masar, kadib markii wiilkaasi la sheegay in uu sabab u noqday in la bad baadiyo arday lagu afduubtay gaari Bas ah ay la socdeen.

Ramy Shehata ayaa garaacay gambaleel ku qarsoonaa telfoonka uu watay kadib markii darawalka Baska uu ardayda afduubtay, waxaana ardaydii baska saarnaa la sheegay in ay ka daateen baska kahor inta aan dab la qabadsiin.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa wiilkaasi reer Masar ku tilmaamay halyey u qalma in la siiyo dhalashada dalka Talyaaniga, waxa uuna sheegay in uu bad baadiyay nolosha arday badan oo iskuulka la dhiganaysay.

“Waa in muwaadin laga dhigaa Ramy sababtuna waxay tahay waa in uu yahay wiilkayga oo kale oo u istaagay qiyamka dalkiisa, waa halyey nolol badan bad baadiyay” ayuu yiri Ra’isul Wasaare kuxigeenka Talyaaniga.

Wiilkan dhalashada Talyaaniga la siiyay ayaa ku dhashay gudaha Talyaaniga, waxaana sharciga Talyaaniga dhigayaa in caruurta soo galootiga dhaleen dhalashada lagu siin karo da’da 18-sano.

The aftermath of the damage after bus driver Ousseynou Sy, took 51 students from the Margherita Hack school in San Donato Milanese hostage and set the bus on fire as a protest against migrant deaths in the Mediterranean. All children managed to escape before the bus was engulfed with flames but twelve students were taken to hospital as a precautionary measure..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -