Burcad dhac farsameesan geesan jirtay oo Xukuno adag lagu riday (Daawo Sawirada)

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa xukuno adag oo xabsi ah ku riday shan nin la sheegay in ay ahaayeen burcad ku qaraaban jiray dareeska ciidanka sidoo kale geesan jiray dhac farsameesan.

Burcadan xukunka lagu riday ayaa la sheegay in ay isticmaalayeen farsamooyin ay isugu ekeysiinayaan in ay yihiin ciidamo dowladdu u wakiilatay canshuur qaadis, waxa ayna inta badan ka howlgali jireen wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in raggan aysan kaliya ahayn burcad balse ay dadaal kasta ku bixiyeen dhacca dad-weynaha, waxa uu ka hor sheegay garsoorka in  dambiga ay galeen ay  ku dareen kala geynta shacabka iyo dowladda maadama ay sameysteen boono been abuur ah taasi oo kalifi kartay dadweynaha iyo dowladda in lagu kala fogeeyo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in min 8-sano oo xabsi ah lagu riday ragan burcada ah ee Maxkamada la horgeeyay.

Burcada Xukunka xabsiga ah lagu riday ayaa kala ah 1- s/le X Maxamed Cali Cabdi Cali Cibaar 2- S/a/le Maxamed Cismaan Camaleey 3- Cabdifitaax Cali Cabdullaahi  4- Axmed Cabdi Rooble  5-Maxamed Cumar Diini.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -