Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran iyo Sababta oo la ogaaday

Waxaa saakay xiran qaar badan oo kamid ah Wadooyinka muhiimka ah magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinkaasi lasoo dhigay ciidamo badan oo loogu tala galay in amaanka adkeeyaan.

Ciidamada amaanka ayaa gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kalaba u diidaya isticmaalka Wadooyinka qaar, waxa ayna ciidamada wadooyinka u ogol yihiin kaliya in ay maraan dadka lugeenaya.

Wadooyinka saakay la xiray ayaa sababta  loo xiray lagu sheegay in maanta magaalada Muqdisho ay ka dhaceyso Munaasabad lagu furayo kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka, waxaana Munaasabada ka qeyb galaya Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dowlada ayaa ka cabsi qabta inta ay munaasabdu socoto in ay dhacaan falal amaanka lidi ku ah, waxa ayna aad u adkeesay amaanka guud ee caasimada Muqdisho gaar ahaan aaga ay munaasabadu ka dhaceyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Amiir Tamim Bin Hamad oo Saxiixay Labo Heshiis ay horey u gaareen Somalia iyo Qadar

Cabdi Cade

Turkiga oo Muqdisho keenay Diyaarado dagaal oo casri ah iyo Al Shabaab oo…

Cabdi Cade

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin culus siiyey Heyaddaha dowlada (Video)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---