Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya ku geeriyooday Weerarkii Muqdisho

Al Shabaab ayaa manta qaraxyo ismiidaamin iyo mid toos ah waxa ay ku weerareen xarunta Wasaarada Shaqada iyo Shalaalaha Xukuumada Soomaaliya oo kutaala agagaarka Isgooska Jubba gaar ahaan dhinaca Degmada Shangaani.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in weerarka lagu qaaday xarunta Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha dadka ku dhintay uu ku jiro Wasiir kuxigeenkii Wasaaradaasi Saqar Ibraahim Cabdalla oo sidoo kale ahaa Xildhibaan .

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee weerarkan ka dhashay, sidoo kale masuuliiinta dowlada ma xaqiijin geerida Wasiir kuxigeenka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha.

Weerarka Al Shabaab maanta ku qaadeen xarunta Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dhismaha Wasaarada gudaha u galay oo ka dagaalamaya dabley hubeesan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -