Digniin laga bixiyey qaraxyo ka dhici kara Muqdisho & goobaha laga cabsi qabo

Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Muqdisho ayaa loo diray digniin ku saabsan qaraxyo ay suura gal tahay iney ka dhacaan magaalada saacadaha soo socda

Xafiiska Nabadgalyada UN-ka ee Muqdisho ayaa sheegay in ilo sirdoon oo muhiim ah ay u sheegeen in Al-shabab ay qorsheyneyso iney qaraxyo waaweyn ka fuliso magaalada Muqdisho 48-72 saacadood ee socda.

Goobaha laga yaabo in qaraxyada lala beegsado ayaa la sheegay iney ka mid yihiin:-

1▪︎The Elite Hotel
2▪︎Km4 Checkpoints
3▪︎SYL Hotel
4▪︎Dorbin Hotel
5▪︎Dabka Area
6▪︎Jazeera Hotel
7▪︎Liido Beach
8▪︎Makka Al-Makaramah Road
9▪︎Villa Somalia Checkpoints
10▪︎Nisa Checkpoints.

Shaqaalaha Q/Midoobay ayaa looga digay iney ka taxadaraan dhaqdhaqaaqooda ayna la socdaan xaaladaha ku soo kordha magaalada ee dhinaca amniga.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan NISA ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab ay qorsheynayaan weeraro lagu hoobto iney ka fuliyaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay kaga aargudnayaan guuldarooyinka ka soo gaaray dagaalada kaga furan gobolada dhexe ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -