Shacab Khasaare ka soo gaaray duqeymihii ka dhacay Sh/hoose (Daawo Sawirro)

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan khasaare nafeed oo ka dhashay dayuurado dagaal oo xalay saqdhii dhexe duqeymo ka geystay degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose oo ay maamulaan kooxda Al-Shabaab.

Degaanada la duqeeyey waxay kala yihiin Ow-dheegle, Janaale, Kuunya-Barrow iyo dacaaraha oo dhamaantood ka tirsan gobolka Sh/hoose sida ay sheegayaan degaanadaas wararka naga soo gaaraya.

Al-Shabaab oo duqeymahan ka hadlay ayaa waxay sheegeen in duqeynta ka dhacday degaanka Kuunya-barrow ay ku geeriyoodeen labo qof oo shacab ah, kuwaasoo kala ah Macalin dugsi iyo ilmo yar oo 20 maalmood ka hor la umulay, waxayna intaas ku dareen iney in sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad kale oo shacab ah.

Al-shabaab ayaa baraha taageera ee internetka ku soo bandhigtay sawiro laga soo qaaday meydadka Macalinka iyo ilmaha yar ee duqeynta lagu dilay iyo dhaawaca dad kale oo ay ku jiraan caruur, anagoo ka xun inaan akhristayaasheena u soo bandhigi karin meydadka dadka la dilay sawirada oo aad qalafsan awgeed.

Cannuga yar ee dhintay hooyadii dhashay ayaa sidoo kale ku dhaawacantay duqeynta ka dhacday degaanka Kuunyo-barow sida ay sheegtay Al-shabaab.

Sidoo kale, Sawirada ay soo bandhigtay Al-Shabaab ayaa waxaa ka muuqda burbur aad u xooggan oo soo gaaray xarun dugsi quraan, goob baabuurta lagu dhaqo iyo xaafado ay degan yihiin dad shacab ah.

Al-shabaab ayaa sheegtay in duqeymaha kale ee ka dhacay Janaale, Aw-dheegle iyo Dacaaraha aysan khasaare ka soo gaarin dad shacab ah, kamana hadlin khasaaraha ciidankooda ka soo gaaray duqeymahan.

Ciidamada Maraykanka ee Somalia jooga oo la aaminsan yahay iney duqeymahan fuliyeen ayaan illaa hadda war ka soo saarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -