RW Kheyre oo xaqiijiyay Geerida Wasiir kuxigeen katirsanaa Xukuumadiisa kana tacsiyadeeyay

War Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in Wasiir kuxigeenkii Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya Xildhibaan Saqar  Ibraahim Cabdalla ku geeriyooday Weerarkii Muqdisho.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wasiir kuxigeenka iyo sidoo kale dadkii kale ee weerarka ku dhintay,  ballan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto kooxaha argagaxisada .

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka Kheyre xafiiskiisa laga soo diray

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii ku shahiiday weerarkii argagaxiso ee kooxda Arxan-laawayaasha, dad qalatada ah ay ku doonayeen in ay ku dhibaateen umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku shahiiday weearka argagaxiso waxa uu ugu duceeyay in Allaha uu jannadii geeyo eheledii iyo asaxaabtiib ay ka bexeenna samar iyo iimaan uu ka siiyo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tacsi gaar ah u diray Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku shahiiday, waxa uuna dhammaan dadka ku dhaawacmay u rajeeyay in Allah uu siiyo caafimaad deg deg ah.

Wasiirka Koowaad ee xukuumadda ayaa ballan qaaday in dawladda Soomaaliyeed ay sii wadi doonto dagaalaka ay kula jirto kooxaha argagaxisada ilaa laga tirtirayo jiritaankooda si ummadda Soomaaliyeed ay ugu noolaato nabad buuxda

                                                    Dhamaad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -