Rasaas Wali ka dhax socota Wasaarada Shaqada iyo Al Shabaab oo War soo saartay

Rasaas ayaa wali ka dhax socota Xarunta Wasaarada shaqada iyo Shaqaalaha dowlada Soomaaliya oo kutaala agagaarka Isgooska Jubba ,kadib markii rag hubeesan oo katirsan Al Shabaab weerar ku qaadeen xaruntaasi.

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa dagaal kula jira rag hubeesan oo gudaha ugu jira xarunta Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay soo afjaraan weerarka wali socda.

Al Shabaab ayaa weerarka ay ku qaadeen xarunta Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha waxa ay ku bilaabeen qarax ismiidaamin ah, waxaana qaraxa kadib xarunta wasaarada gudaha u galay rag hubeesan.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegatay qaraxyada iyo weerarka tooska ah ee wali ka socda magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha iyo xarumo kale oo ku dhegan.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgal ballaaran ka wada xarumaha wasaaradaha dowlada, laba qarax ayaa  lagu beegsaday ka hor intii aysan mujaahidiintu gudaha ugelin dhismayaasha wasaaradaha ” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Qaraxyada iyo weerarka tooska ah ee Al Shabaab masuuliyadiisa sheegatay ayaan wali la ogeyn khasaraaha ka dhashay, waxaana goobtaasi laga qaaday dad dhintay iyo kuwa kale oo dhaawacyo culus qaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -