Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyadii Muqdisho iyo Rag hubeesan oo ka dagaalamaya..

Labo qarax oo jugtooda si weyn looga maqlay inta badan xaafada Muqdisho ayaa ka dhacay agagaarka Isgooska Jubba gaar ahaan xarunta Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumada Soomaaliya.

Qaraxa koobaad ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaa oo lagu weeraray xarunta Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, qaraxa labaad ayaa sidoo kale ka dhacay goob aan sidaa uga fogeyn.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay galeen dhismaha Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, waxaana dhismaha xaruntaasi wali laga dhax maqlayaa rasaas la is dhaafsanayo.

Ciidamada amaanka ayaa isku gadaamay dhismaha Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha, waxa ayna ciidamada soo bad baadinayaan qaar kamid ah shaqaalaha Wasaarada oo ku go’doonsanaa dhismaha.

Daaqadaha dhismaha ayaa la saaray jaran jarooyin dhaa dheer si loo soo bad baadiyo dadka ku jira dhismaha la weeraray, waxaana ciidamada amaanka isku dayayaan in ay weerarka soo afjaraan.

Qaraxa labaad ee ka dhacay agagaarka dhismaha Wasaarada ayaa la sheegay in uu ka dhashay gaari la sheegay in ay ka dageen ragii hubeesnaa ee weerarka ku galay dhismaha xarunta Wasaarada.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaracyadan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana goobta qaraxyadu ka dhaceen la geeyay ciidamo badan oo xiray gabi ahaan wadooyinka aagaasi soo gala.

Waxii Warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney Soomaali ah oo walaalkeed oo 13 jir ahaa ku dishay dalka Kuwait

Caydiid Ali

Taliye Odawaa oo iska xaadiriyay furumaha hore ee Dagaalka (Sawirro)

Cabdi Cade

Olgan Bekar oo si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Hobyo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---