Allbanaadir.com
NEWS

Sayid-Cali Macalin Da’ud oo mar kale la hor keenay Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir

Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisa ayaa maanta maalintii 3-aad la horgeynayaa Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir.

Maxkamadda ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay dhageysanaysay kiiska eedeysanaha waxaana la horkeenay maxkamadda marqaatiyaal cusub iyadoo sidoo kale su’aalo weydiisay eedeysanaha.

Maanta ayaa waxaa qorshuhu yahay in la dhageysto difaaca qareenada eedeysanaha oo fadhigii ugu dambeeyey maxkamaddu ku iclaamisay.

Qareenada u dooddaya Sayid cali ayaa doodda sharciga ah soo bandhigay, iyada oo fadhigii kan horreeyay la dhageystay doodda Xeer ilaalinta

Ehelada labada dhinac ee Sayid cali iyo Luul ayaa maxkamadda xaadir ku ahaa.

Sidoo kale waxaa la dhageeystay oo maxkamadda soo xaadiray qaar ka mid ah dhaqaatiirta cisbitaalka Ordogan (Ex Digfeer) oo ka mid ahaa kuwii daaweynta caafimaad u fidiyay Luul ka hor intii aysan dhiman.

Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa Racfaan ka qaatay xukun dil ah oo ay horey ugu riday Maxkamada gobolka Banaadir, iyadoo la filayo in hadii maxkamada racfaanku ay xukunkaas ku raacdo uu mar kale rafcaan u qaadan doono maxkamada sare ee dalka.

Related posts

Nin dilay hooyadiis, jarjaray, kaddibna cunay oo Maxkamad la soo taagay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dukumiintiyo ay leeyihiin dad Soomaali ah oo laga helay Doon ku caarisay Israa’iil

Cabdi Cade

Dowlada oo ka hadashay weerarkii khasaaraha geestay ee ka dhacay Imaaraadka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---