Shirkada Ethiopian Airlines oo ka carootay War ay baahiyeen Warbaahinta Caalamka

Waxaa wali socda baaritaanka lagu sameenayo waxa dhaliyay bur burkii diyaarada Ethiopian Airlines ee dhawaan ku dhacday duleedka magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Qaar kamid ah Warbaahinta caalamka ay ugu horeeyaan kuwa laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa baahiyay warbixino ay shaki ku galinayaan aqoonta duuliyihii waday Diyaaradii bur burtay ee Ethiopian Airlines  .

Warbaahintan ayaa ku warantay in duuliyihi waday diyaaradii burburtay inuusan qaadanin tababar dheeraad ah oo la rabay inuu qaato si uu ula qabsado duulinta diyaaradda cusub ee Boeing 737 Max 8.

Duuliyaha Diyaarada bur burtay ayaa Warbaahinta Mareykanka waxa ay sheegeen in ay u harsaneyd in uu qaato tababarka duulimaadka Cumputerka, waxa ayna Warbaahinta sheegeen in duuliyaha dhamaadka bishan u balansanaa tababar balse kahor shilku dhacay.

Shirkada diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa si weyn uga carootay warkan ay baahiyeen qaar kamid ah Warbaahinta caalamka ugu afka dheer uu ku jiro Wargeyska laga leeyahay Mareykanka ee New Yourk Times.

Waxa ay sheegtay shirkada Ethiopian Airlines in warkan ay Warbaahinta tabiyeen uu yahay mid been abuur ah oo la doonayo in eedea ay laheyd shirkada Boeing lagu wareejiyo dushana laga saarayo shirkada Ethiopian Airlines .

“Duuliyeyaasha shirkadaha waaweyn ee Mareykanka markay duuliya ka noqonayaan diyaaradda Boeing 737 Max 8 waxay tababar hal saac ay ku qaataan Ipad, marka iney caddahay iney ujeddadu tahay khaladka Boeing in dusha laga saaro shirkadda diyaaradaha Itoobiya” ayey tiri shirkadda diyaaradaha Itoobiya.

Dowlado badan oo caalamka  katirsan ayaa joojiyay isticmaalka diyaaradaha Boeing 737 Max 8 , waxaana hada dalka Faransiiska ka socda baaritaano lagu sameenayo waxa keenay shilkii Diyaarada Ethiopian Airlines ay ku dhinteen 157-qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -