Somalia iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis isdhaafsi dhul safaaradeed (Daawo Sawiro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,Xukuumada Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa magaalada Istanbul kula saxiixday heshiis dhiggiisa Turkiga Mudane Mevlüt Çavuşoğlu.

Heshiiska ay labada wadan u kala saxiixeen labada Wasiir ayaa ayaa ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee walaalaha ah ay ku kala yeelanayaan magaalooyinka Ankara iyo Muqdisho.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u wanaagsan, waxa ayna Turkiga safka hore kaga jirtaa dowladaha sida weyn u taageera dowlada Federaalka Soomaaliya.

Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka dhistay Safaarad aad u weyn, waxaana dhulka ay dowlada Turkiga ka dhisatay safaarada laga siiyay dhinaca xeebta gaar ahaan degmada Cabdicasiis.

- Advertisement -