Madaxweyne Caan ah oo Imaaraadka ku qal qaalinaya in ay iibsadaan koox Wiilkiisa taageero

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa doonaya in ay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameenayaan kooxaha kubada cagta ee caalamka ka dhisan, waxa ayna hada qorsheenayaan in Qaarada Laatin Amerika kooxo ka iibsadaan.

Madaxweynaha dalka Brazil Jair Bolsonaro, oo booqasho ku tagay dalka Imaaraadka Carabta ayaa shalay sheegay in in Imaaraadka doonayaan in ay iibsadaan labo kooxood oo kuwa kubada cagta ah kana dhisan dalka Brazil.

Jair Bolsonaro ayaa dowlada Imaaraadka Carabta usoo jeediyay in labada koox ay iibsanayaan mid kamid ah ka dhigaan kooxda kubada cagta ah Botafogo oo ka dhisan magaalada Rio de Janeiro..

“Imaaraadku waxay caalamka ku leeyihiin 12 kooxood oo kubbadda cagta ah, waxayna doonayaan laba kooxood oo ay halkan ka iibsadaan,,” ayuu ku yiri Madaxweynaha dalka Brazil Bolsonaro.

Kooxda Botafogo oo Madaxweynaha Brazil ku qal qaalinayo Imaaraadka Carabta in ay iibsadaan ayaa waxaa si weyn u taageera wiilka uu dhalay ee Eduardo Bolsonaro oo doonaya in kooxda uu jecel yahay horumar ka sameeso kubada cagta.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa maalgeliya kooxo waa weyn oo kubada cagta ah, waxaana kooxda ugu weyn ee Imaaraadka milkiyadeeda leeyihiin ay tahay kooxda Manchester City ee ka dhisan Dalka Britain.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -