Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo soo bandhigtay Sawirada iyo Magacyada Saraakiil laga dilay (Daawo Sawirada)

Al Shabaab ayaa soo bandhigtay Filim ay kaga hadleyso Hogaamiyaal iyo saraakiil kooxdaasi katirsanaa oo siyaabo kala duwan loogu dilay dagaalo iyo Duqeymo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Garabka Warbaahineed ee Al Kata’ib ee leedahay Al Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Magacyada iyo Sawirada Hogaamiyaal kooxdaasi katirsanaa oo qaarkood lagu dilay duqeymo diyaaradeed.

Hogaamiyaasha Al Shabaab laga dilay ee sawiradooda lasoo bandhigay waxaa kamid ah Hogaamiyihii hore ee Al Shabaab u qaabilsanaa gobolada Jubooyinka Sheekh Cabdiraxmaan Abuu Xudeyfa oo lagu dilay Duqeyn Jubooyinka ka dhacday.

Xubnaha sare ee laga dilay Al Shabaab ee lasoo bandhigay waxaa ku jira Sheekh Max’med Dulyadeyn oo kasoo jeeday gobolka Waqooyi bari dalka Kenya, waxaana hogaamiyahan lagu dilay weerar ka dhacay Duleedka Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha caalamka oo war ka soo saartay shirkii golaha amniga Qaranka ee Baydhabo (Akhriso)

Caydiid Ali

Kismaayo oo laga dabaaldegay & Axmed Madoobe oo ka baaqday Salaadii Ciida (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo kulan xasaasi ah la qaatay Maxamed A Afey iyo Xubno kale (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---