Kismaayo oo laga dabaaldegay & Axmed Madoobe oo ka baaqday Salaadii Ciida (Sawirro)

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa masuuliyiin iyo qayb kamid ah shacabka Jubbaland salaadda ciida kula tukaday xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaan soo xaadirin maanta tukashada salaadii Ciida, kamana oga sababta balse khudbad u xalay jeediyey ayuu dhamaan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciida Carafo ee Sanadka 1441-Hijriga.

Axmed Madoobe ayaa Shacabka Soomaaliyeed xusuusiyay muhiimada ay leedahay in maanta oo kale la garab istaago dadka aan waxba haysan si ay farxad ugula ciidan Bulshada isagoo ku booriyay in qof walba uu garab istaago walaalkiisa aan waxba haysan taas oo ajir ay ugu sugan tahay wixii uu qof walba la boxo.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in dalkeenu uu la daala dhacayo duruufo kala duwan oo ay ugu weyn yihiin nabadgalyada iyo Xanuunka Covid19 oo Wali ka jira qaybo badan oo dalkeena ah isla markana galaaftay dhaqaalahii aan markii horaba cagaha adag ku taagnayn ee Bulshadeena.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka inay raacan talooyinka hay’adaha Caafimaadka iyadoo waliba hada loo diyaar garoobayo sidii loo fududayn lahaa xayiradaha saaran waxyaabaha Bulshada muhiimka u ah iyadoo laga duulayo in dib loo bari taaro dhaqaalaha iyo Nolosha shacabka.

Shacabka Ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay sida hay’adaha amaanka ay ugala shaqaynayaan nabadgalyada isagoo xusay in howlgaladii u danbeeyay ee Ciidamada amaanku ay sameeyeen lagu soo qabtay rag hubeysan iyo waxyaabaha qarxa oo shacabka lagu dhibaateyn rabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -