Allbanaadir.com
NEWS

Beesha caalamka oo war ka soo saartay shirkii golaha amniga Qaranka ee Baydhabo (Akhriso)

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Dowladaha Itoobiya, Talyaaniga, Norway, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa soo dhoweeyay natiijooyinka qiimaha leh ee ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaranka ee 3-5 Juunyo ugu qabsoomay magaalada Baydhabo, magaalo madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Saaxiibada beesha caalamka ayaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, gobolka Bebadir, iyo wasaaradaha shirka joogay, ku bogaadiyay heshiisyada muhiimka ah ee ay ka gaareen Qorshaha Kalaguurka, wadaagga dakhliga, iyo hanaanka doorasho ee doorashooyinka qof-iyo-cod ee 2020, waxayna ku boorriyeen in la dar-dar-geliyo hirgelinta heshiisyadaas. In loo midoobo arrimahan iyo kuwo kale oo masiiri ah waxay dhidibada uu aasaysaa horumar dheeraad ah, oo uu ka midyihiin dhamaystirka geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka iyo qeexidda hanaanka federaalka Soomaaliya, loona diyaar-garoobo Madasha Iskaashiga Soomaalliya oo wax-ku-ool ah, taas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Yurub iyo Sweden ay wadajir ugu martigelinayaan magaalada Brussels 25 iyo 26 Juunyo.

Maadaama Soomaaliya ay gelayso weji cusub ee xiriirka ay la leedahay hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, saaxiibada Soomaaliya waxay ku dhiiri-gelinayaan madaxda Soomalaaliyeed inay sii wadaan ku-shaqaynta dareen midnimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay weerar ka dhacay degaanka Gamboole

Caydiid Ali

RW Rooble oo soo saaray qoraalka faafinta & dhaqan-galinta heshiiskii doorashada

Caydiid Ali

Madaxweyne Muuse Biixi oo goordhaw soo saaray wareegto Madaxweyne

Cabdi Cade
Taboola Ads ---