Allbanaadir.com
NEWS

Taiwan oo Haaf Milyan Dollar ugu deeqday maamulka Somaliland (Daawo Sawirro)

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, ayaa safiirka waddanka Taiwan u fadhiya Somaliland ka guddoomay qaadhaan lacageed oo ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka loogu jiro dadka abaaruhu saameeyeen.
 
Munaasibadda wareejinta qaadhaanka lacageed oo qaddarkeedu dhan yahay $500,000(Shan Boqol oo kun oo dollar) oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa goob-joog ka ahaa xubno kamid ah guddida gurmadka abaaraha iyo madaxda safaaradda Taiwan oo uu hoggaaminayo safiir Allen lou, .
 
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uga mahadnaqay Taiwan tallaabada lexejeclada leh ee ay u muujisay shacabka reer Somaliland iyo lacagta ay ugu deeqday wax ka qabashada abaaraha.
 
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhammaanba dalalka kale ee caalamka ugu baaqay inay ku daydaan dalka Taiwan, kana soo jawaabaan baaqooda ku aaddan inay gacan ka geystaan gurmadka abaarta saamaysay gobollo badan oo dalka Somaliland ka mid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=9iPt-VA3Xpc

Related posts

Jahawareer ka dhashay gabdho walaalo Sucuudiyaan ah oo maydkooda laga helay dalka …

Cabdi Cade

Xubin sare oo katirsan Al Shabaab oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo xigeenkiisa oo laga dalbaday in ay iscasilaan !!

admin
Taboola Ads ---