Allbanaadir.com
NEWS

Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo soo saaray War cabsi ku beeray dadka Muqdisho

War saxaafadeed kasoo baxay Urur ay ku mideesan yihiin dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in xarumaha caafimaad qaarkood soo booqdeen bukaano dhowr ah oo leh calaamadaha tuhunka ee Covid-19.

Waxa ay sheegeen dhaqaatiirta in ay jiri karto suurto galnimada in cudurka si hoose bulshada ugu faafayo, waxa ayna sheegeen dhaqaatiirta dadka lagu arkay camaalamadan laga shakiyay in ay u baahan yihiin baaritaan.

Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay bulshada si loo yareeyo khatarta iyo faafitaanka cudurka in looga baahan yahay in ay qaataan talooyinka caafimaad iyo wacyi galinada loo soo jeedinayo.

Wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in gudaha Muqdisho lagu arkay 7-qof ay ku jiraan ajaaniib oo qaba caabuqa Caronavirus, waxaana dadkaasi ku jira hal qof oo kamid ah bulshada caadiga Muqdisho halka hal bukaanada uu ka reestay cudurkan.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Dhaqaatiirta Muqdisho

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiinta Mucaaradka Puntland oo go’aan mideysan qaatay kana hor-yimid guddiga…

Cabdi Cade

Golaha Amaanka ee QM oo fadhi deg deg ah ka yeelanaya xaalada Somalia

Caydiid Ali

Amar cusub oo laga soo saaray xaasaska iyo caruurta xubnaha ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---