Axmed Maxamed Cali oo ah muwaadin Soomaali Swedish , ahna Milkiilaha Shabakadda Dayniile Online  ayaa ku eedeeyey heyadda Socdaalka iyo jinsiyadaha iney muddo labo todobaad ka badan iska heystaan baasaboorkiisa oo ay ka qaadeen xili uu ka dhoofi rabay Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay inuu ku xaniban yahay Muqdisho loona diiday inuu dalka ka dhoofo sababo aan la garaneyn awgood.

“Markii ay iga qaadeen baasaboorkeyga waxay ii direen laanta dembi baarista ee CID-da oo baaritaan dheer ka dib igu weysay waxyaabo aan markii horeba jirin oo la igu soo eedeeyey, waxayna ii jareen warqad cadeyneysa ineysan jirin wax dembi ah oo aan ka galay dalka iyo dadka, laanta socdaalkana waa loo diray warqadaas balse waxaa nasiib daro ah in illaa hadda la iska heysto Baasaboorkeyga” ayuu yiri Axmed Maxamed Cali.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Axmed sheegay in loo sheegay in baasaboorkiisa ay heyso haweeney ka tirsan heyadda socdaalka iyo Jinsiyadaha oo iska aaday safar dibeda ah oo aan la garaneyn xiliga ay ka laabaneyso, taasoo uu sheegay iney tahay xad gudub iyo masuuliyad daro isaga lagula kacay.

“Waxaan ka codsanayaa madaxda sare ee hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha dalka oo ana xushmad badan u hayo iney soo fara geliyaan waxna ka qabtaan dhibaatada la igu hayo” ayuu yiri Axmed Maxamed Cali oo ka mid ah qurba joogta sanadahan dambe ku soo laabatay magaalada Muqdisho

- Advertisement -