Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Danab oo howgal qorsheysan ku dilay Cali Garweyne iyo ilaalo la socotay

Howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya qaybtiisa Danab ka fuliyeen degaanka Koban ee Gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab iyo ilaalo la socotay.

Taliyaha guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska ee xoogga Dalka Soomaaliyeed G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay inay howlgalkooda ku dileen Sarkaal lagu magacaabi jiray Cali Garweyne iyo afar ilaaladiisa ka tirsanaa.

G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa dhinaca kale sheegay inay wadada u dhexeysa Jamaame iyo Kismaayo  kasoo saareen Miinooyin ay galiyeen Al-Shabaab, si ay ugu dhibaateeyaan dadka Shacabka ah.

Ciidamada Danab ee Maraykanku tababaray ayaa gobolada dalka qaarkood ka wada howlgalo Al-shabaab, iyagoo kala wareegay bilihii la soo dhaafay degaano badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) C/wali Gaas oo xil labaad u magacaabay S/Gaas Cabdirisaaq Siciid Diiriye

Caydiid Ali

DF oo heshiis cusub la saxiixatay Shirkadda shidaalka ee Coastline Exploration (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka hadlay isku daygii dil uu ka badbaaday Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---