Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xiliga uu furmayo kalfadhiga 5aad ee Baarlamanka Soomaaliya oo la shaaciyey

oGuddiga joogtada ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo go’aamiyey xilliga uu furmayo kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xubnaha guddiga joogtada ayaa go’aamiyey in 27 bishan Maarso oo ku beegan Maalinta Arbacada inuu si rasmi ah u furmo kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo muddo laba bilood ah fasax ku jiray ayaa kuwooda dibeda ku maqan waxaa loogu baaqay iney dalla ku soo laabtaan xiligaas ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Maalinta caalamiga ah ee cudurka Cagaarshowga (World hepatits Day) oo Muqdisho laga xusay

Caydiid Ali

Tirakoob laga soo saaray Soomaalida qaadatay dhalashada dalka Norwey (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Wasiirka amniga Galmudug oo wareejiyey baraha Kontrol ee K/Gaalkacyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---