TV-ga Al-jazeera oo barihiisa bulshada ka saaray Barnaamij laga baahiyey Dahabshiil

Telefishanka Aljazeera ayaa barahiisa bulshada ka saarey qayb ay ku xuseen shirkadda Dahabshiil iyo xiriirka DP World oo ku jirtay barnaamij ku saabsanaa dagaalka dekeddaha ee Geeska Afrika.

Talaabada Aljazeera ayaa ka dambeysay  ka dib war saxaafadeed ay maalmo ka hor soo saartay Shirkadda Dahabshiil kaasoo ay ku beenisay xog ku jirtay barnaamij laga baahiyey telefishinka Al-jazeera 17/3/2009 kaasoo magaciisa la yiraahdo “Al-Masaafa Sifrr”.

Shirkadda ayaa sheegtay inaan la siinin xaqa ay u laheyd jawaab celinta, waxayna ugu baaqday Aljasiira in ay ka noqdaan waxa ay ku sheegeen Dahabshiil isla markaana ka saaraan meelaha ay ku baahiyeen.

War-saxaafadeedka shirkaddu ayaa u qornaa sidatan:-

Shirkadda Dahabshiil Group waxay si xooggan isaga fogaynaysaa eedaymaha been abuurka ah ee laanta Carabiga ee telefishanka Aljazeera naga baahisay, Waxay baahintani xambaarsanayd eedaymo been abuur ah, kuwaasoo gabi ahaanba ahaa sharaf dil iyo eedaymo ku saabsan ku lug lahaansho arrimo siyaasadeed, eedahan waxay u muuqdaan kuwo ay dabada ka riixayso arrimo la xiriira siyaasad degaamaysan (Geo-political reasons)

Dahabshiil waa shirkad gaar loo leeyahay, waana ganacsi caalami ah, una adeegta bulshada dunida sidaas awgeedna sinaba uguma lug laha siyaasaddo dawladeed, ama kooxaysi siyaasadeed. Ujeedadayada kaliya waa in aanu adeeg fiican u samayno macaamiisha waxna ku celino bahwadaagtayada.

Dahabshiil lama siinin xuquuqda jawaabta iyo fadcelintayadii intii aanay Aljazeera baahin warbixinta. Haddii ay nala soo xidhiidhi lahaayeen iyada oo ay naga xigtay in ay telefoon noo soo diraan, waxaa laga fogaan lahaa khaladadaadka iyo been abuurka badan ee warbixinta ku jira oo ay heli lahaayeen xogtooda saxda ah.

Dahabshiil waxay ugu baaqaysa telefishanka Aljazeera in uu ka noqdo eedaha aan sal iyo raad toona lahayn ee ay naga baahiyeen, islamarkaana macluumaadkan waa inay ka saaraan boggagga lagu baahiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -