Ciidamo cusub oo dhoolatus ku soo bandhigay Xeebta garoonka Aadan cadde (Daawo Sawirro)

Ciidamo loo tababaray badbaadinta dadka ku hafta biyada badda ayaa markii ugu horeysay loo sameeyay Garoonka Aadan Cade tan iyo Burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iyagoo sameyeey dhoolotus ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen.

Ujeedda arrintan ka dambeysa ayaa ah in la waafajiyo nidaamyada iyo adeegyada ka jira garoonada caalamiga ah ee ka dhisan dunida inteeda kale, waxaana ciidanku ay bilaabeen in ay guda galaan shaqooyinkii loo igmaday.

Maxamed Cabdiwahaab hogaaminayay kooxda loo diyaariyay  badbaadinta dadka ku hafta biyaha bad ahadii ay dhacdo lama filaan ah qabsato ayaa sheegay inay haystaan xirfad iyo tababar ku filan oo ay ku gudan karaan waajibaadka loo igmaday, wuxuuna xusay in ay diyaar u yihiin in ay bulshadoodi u adeegaan.

S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gob jog ahaa  ayaa la wareegay dhul loogu talgalay in xarun looga dhisa Ciidanka Ilaalada xeebaha Soomaaliya  gaar ahaan kuwa ilaalada xeebta garoonka,wuxuuna taliyuhu muujiyay in ay diyaar u yihiin sidii ciidankaasi ay u qabsan lahaayeen waajibaadkooda.

Wasiirka  gadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar ayaa sheegay in ciidanka ay qeyb ka yihiin Horumarinta Garoonk, islamarkaana amnigiisa uu noqon doono mid meeshii laga rabay gaara.

Todobaadkaan gudihiisa ayay aheyd Markii dib loo dhagax dhigay xaruntii hore ee dam-demiska Garoonka Aadan Cade, waxaana tani ay muujinaysaa in garoonka uu ku talaabsanayo horumar ku aadan in loo dhameystiro guud ahaan adeegyada muhiimka u ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -