Maxaa ka soo baxay kulanka wafdigii dowlada iyo Saraakiisha ciidankii gadoodsanaa?

Guddi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow oo Madaxweyne Farmaajo u diray xalinta gadoodka ciidamada milateriga ee ka soo baxay degaano ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe ayaa wadahadal la yeeshay saraakiisha iyo xubno ka tirsan ciidamadaasi.

Wadahadalka oo ka dhacay degaanka Hiilweyne ee degmada Balcad waxaa xubnaha Guddiga Madaxweyne Farmaajo ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle,

Abaanduullaha Ciidamada galabta Sida Odowaa Yuusuf Raage iyo xubno kale, waxaana ciidamada dhex maray dood ku saabsan cabashadooda iyo sida loo xalin karo.

Ergada Madaxweyne Farmaajo ayaa raaligelin bixiyey, waxayna halkaasi geeyeen kharash loogu talogalay ciidamada oo degdeg, iyadoo ka codsaday inay dib ugu laabtaan aaggagii ay difaacyada uga jireen, arrintoodana la xalin doono oo ay balanqaad uga sidaan madaxweynaha.

Guddi ay iska soo saareen ciidamada ayaa dhinacooda sheegay cabashada ay qabaan waxayna ku adkeysteen inaysan dib u laaban karin inta laga xalinayo mushaar iyo garaam la’aanta heysata, iyadoo ugu danbeyntii wasiiradii ka socday madaxweyne Farmaajo ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho xalay saqdii dhexe kadib.

Ciidamada Gadoodsan ayaa ergada madaxweynaha u siiyey muddo muddo saddex maalmood ah oo lagu xalinayo arrintooda, iyagoo markaas kadib dib ugu laaban doona fariisimadoodii markii ay xuquuqdooda ka helaan dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -