Maxkamad ku taalla Hargeysa oo Xukun jilicsan ku riday Nin & Haweeney dembi culus galay

Maxkamadda rafcaanka magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland ayaa labo qof oo lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan iyo Khadra Cabdullaahi Maxamed midkiiba ku xukuntay labo sano iyo lix bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu heley in ay ilmo ka xadeen qoys.

Waxaa la sheegay in qof ka mid ah dadka la xukumay uu ilmo ka kaxaystay magaalada Hargeysa, ilmaha waxaa dhalay reer ay qaraabo ahaayeen qofkan, wuxuuna geeyay magaalada Abaarso, kadibna waxaa la qabtay iyagoo ilmaha yar dalka dibedda uga dhoofinaya, iyadoo arintan ay tahay mid ku cusub degaanada Somaliland iyo geeska Afrika.

Taliyaha booliiska Somaliland Cabdullaahi Fadal ayaa sheegay in aysan ka warhaynin wax suuq madow ah oo jira oo carruur looga ganacsado.

Hooyadii dhashay ilmahan yar ee la xaday ayaa sheegtay iney muddo bil ah ka raadinaysay meelaha dadka laga tahriibiyo sida Boosaaso oo kale.

“Garowe ayaan maray, Boosaaso ayaan tagay, 18 cisho ayaan meel buuro ah ku sugnaa oo aan wiilka ka raadinayay meelaha dadka laga tahriibiyo” ayay tiri hooyada ilmaha dhashay.

Sida uu sheegayo Aadan Salaad Seed oo ah xeer illaaliyaha dacwadan gacanta ku hayay , ma jiraan xeerar u gaar ah dambigan oo kale oo loo cuskado xukunka, sidaasi darteed ayaa laga yaabaa in ay ugu wacantahay xukunka dabacsan ee ku dhacay dadkan.

Hooyada dhashay ilmaha ayaanan ku qanacsanayn xukunka, waxayna sheegtay in aysan suurtogal ahayn in 2 sano iyo 6 bilood oo kaliya lagu xukumo dad ay sheegtay in ay doonayeen in ay ka ganacsadaan xubnaha jirka wiilkeeda.

Ma jiraan wax tirakoob ah oo laga hayo carruuraha la xaday, waxaana ugu wacan waalidiinta oo marka ay ilmaha waayaan, raadiya, kadibna ka quusta, dowladana aanan u sheegin sida uu sheegay Guuleed Dafac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -