Wasiirkii hore ee amniga Somalia oo ku guuleystay doorashada kursiga HOP011

Doorashada kursiga HOP011 ee golaha shacabka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Doorashadan oo qorshuhu ahaa in xalay la qabto, ayaa la joojiyay sababo la xiriira qaraxyadii ka dhacday Beledweyne, waxaana ku tartamay Wasiirkii hore ee amniga Somalia Cabdrisaaq Cumar Maxamed & Maxamed Tuure Barrow.

Codbixinta kursigan oo aheyd mid furan ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Cabdrisaaq Cumar Maxamed oo helay 55 Cod halka musharixii la tartamayay ee Maxamed Tuure Barrow uu helay 46 Cod.

Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya oo goobta doorashada ka hadlay ayaa sheegay in kursigan ay faragelin uga imaneysay dhinacyo kala duwan oo doonayey inaan lagu tartamin, loona xiro shaqsiyaad gaar ah balse ay suurto geli weysay.

Cabdrisaaq Cumar Maxamed ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne gaar ahaan qoyska Xildhibaanad Aamino Maxamed oo uu sheegay iney aheyd halyeeyad u taagneyd difaaca cadaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -