Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo bishan Febraayo dakhli badan ay heli jirtay weysay iyo Sababta ka dambeysa

Dowlada Soomaaliya ayaa qirtay in bishan Febraayo ee maanta ku eg uusan soo galin dakhligii ay hore u heli jirtay, waxaana arintaasi sabab looga dhigay cabashadii ganacsatada gobolka Banaadir ay shaqada ku joojiyeen.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo Warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in hoos u dhac bishan ku yimid dakhligii canshuuraha kasoo xaroon jiray.

Waxa uu sheegay Wasiir Beyle in Cabashadii ganacsaada iyo dhacdooyinkii dhacay bishan ay sababtay in uu hoos u dhaco dakhligii dowlada, waxa uuna rajo wanagasan ka muujiyay in xaalada sideedii hore kusoo noqoto.

“Qaskii dhacay ee sababay in Goobaha Ganacsiga la xiro, waxa ay na dhaxalseiiyeen in dakhli badan uusan soo xaroon bishan, Balse waxaan ku kalsoon nahay in aan bixin karno Mushaaraadka oo qaarkood shalay iyo daraad aan saxiixay” ayuu yiri Wasiir Bayle.

Wasiirka Beyle ayaa sheegay in canshuurta gedista ee 5% uu Wasiirka xaq u leeyahay meesha la rabo in laga qaado, isla markaana aanay taas mushkilad aheyn oo ay sharciga ku taallo sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu  sheegay Wasiirka Maaliyada in sidoo kale ay dhaqan geliyeen bixinta Canshuurta Iibka, iminkana ay ku biirinayaan Bankiyada, Xawaaladaha, Shirdaha Biyaha iyo Korontada iyo kuwo kale si loo kordhiyo dakhliga dowlada.

Wasiirka Maaliyada ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen in lacagaha Soomaaliya lagu leeyahay ay bixiyaan Dowladda iyo shacabka oo iskaashanaya, habka lagu bixin karana ay tahay Canshuurta la qaadayo.

Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa ka cabtay canshuur kordhin Wasaarada Maaliyada kusoo rogtay, waxa ayna ganacsatada joojiyeen alaabihii ay kasoo degsan jireen halka labo maalmood uu xirnaa Suuqa ugu Weyn Somalia ee Bakaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul wasaare Khayre oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madasha Badbaado Qaran oo maanta Muqdisho looga dhawaaqay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Jubbaland oo ku dhegan qaar ka mid ah ganacsatadda Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---