Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ku sii jeeda Kismaayo & Xog ku aadan safarkiisa

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi C/llaahi & Wafdi uu horkacayo ayaa maanta ku sii jeeda Magaalada Kismaayo.

warka ayaa sheegaya in ujeedada socdaalka Guddoomiyaha Aqalka Sare ay la xiriirto arrimaha ku aadan dadaaladii golaha aqalka sare ka wadeen Maamul goboleedyada ee ku aadan xalinta Khilaafka dowladda Somalia & Maamul Goboledyada.

“Wafdiga aan hoggaaminayo waxaan aadeynaa Kismaayo, ujeedada safarkeenu waa tii aan hawl dhexdhexaadin ah soo wadnay meel gabogabo ah ayeyna mareysaa.” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

inkastoo Golaha Aqalka Sare ay soo gudbiyeen qodobadii dowlada dhexena ka codsadeen iney wax ka wax ka qabato qodobadii ay ka cabanayeen Maamul Goboledyada, hadana waxaa taagan khilaafka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -