Erdogan oo si adag uga hadlay Qoraal uu baahiyay Ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarkii dhimashada lahaa ee lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand uu qeyb ka ahaa howl-gal ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayey Turkey.

Erdogan, oo u ololeynayey doorashada dowladaha hoose ee Turkey ee dhacaysa bishan, ayaa sheegay, in weerarka uu qeyb ka ahaa weerar ballaaran oo lagu soo qaaday Islaamka.

Weerarkaas oo lagu dilay 50 qof oo muslimiin ah, ayaa waxaa fuliyey nin Australian ah oo aaminsan in dadka caddaanku sarreeyaan, kaasi oo muslimiinta ugu yeeray “duullaan”

“Tani ma ahan hal dhacdo oo kaliya, waa wax abaabulan” ayuu yiri Erdogan oo ka hadlayey magaalada Canakkale ee galbeedka Turkiga, isaga oo aan bixin wax faah-faahin ah.

“Waxa ay nagu tijaabinayaan farriin ay kasoo dirayaan dalka New Zealand, meel 16,500km u jirta halkan” ayuu yiri.

Erdogan iyo saraakiisha Turkiga ayaa cambaareeyey weerarka oo ay ku sheegeen inuu astaan u yahay Islaam naceybka ay Reer Galbeedka iska indho-tireen.

Ninka weerarka fuliyey ayaa baahiyey qoraal uu ku muujiyey damaciisa ah inuu arko in magaalada Istanbul ay dib u noqoto gacantii Kirishtanka iyo magacii Constantinople ee loo yaqiin ka hor inta aysan qabsan Cusmaaniyiinta.

“Waxaan halkan joognay sanado badan, Insha Allah, waxaan halkan sii joogi doonnaa illaa qiyaamaha, marnaba Istanbul kama dhigi doontid Constantinople” ayuu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -